WARBIXIN+SAWIRO:- Munaasabaddii Lagu Daah Furayay Xarunta Cilmi Baarista Tiiraanyo Bixinta iyo Xal u Helidda Dhibaatooyinkii Dhacay oo Garoowe Lagu Soo Gebagebeeyey.

Xarunta dhexe Jaamacadda PSU ee caasimadda Garoowe ayaa lagu soo geba-gebeeyey munaasabadii lagu daah furayay Xarunta Cilmi Baarista Tiiraanyo Bixinta iyo Xal u Helidda Dhibaatooyinkii Dhacay (Research Center Transitional Justice and Trauma Healing for Peace building “ TJC”).

Munaasabadda oo laba maalmood ka qabsoontay Garoowe waxaa maanta ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawladda Puntland, aqoon yahano, ururrada haweenka, dhalinyaro, culimaa’udiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Madasha daahfurka xarunta cilmi barista ee TJC ayaa maanta diirada lagu saaray sida ay muhiim u tahay in ay bulshada Soomaaliyeed u baahan yihiin sii ay uga soo kaban lahaayeen tiiraanyada iyo murugada ay ka dhaxleen dhibaatooyinka dhacay, arrintaas oo ka mid ah qorshayaasha ay ka shaqayn doonto Xarunta Cilmi Baarista Tiiraanyo Bixinta iyo Xal u Helidda Dhibaatooyinkii Dhacay ee “TJC” .

Marwada Madaxweynaha Dawladda Puntland Prof. Hodon Siciid Ciise iyo Ms Fowsiya Abdulqadir oo ah aqoon yahanka bud-dhiga u ah hirgelinta xaruntan cilmi barista ee “ TJC” ayaa ku hanweyn sidii arrimahaan loo dhaqaajin lahaa iyadoo la kaashanayo bulshada Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horraysay oo xarun noocan oo kale ah laga hiregliyo Soomaaliya, waxaana si weyn looga rajo qabaa in xaruntaasi ooh ore u tallaabsato isla markaana natiijo ka gaarto sidii ay cilmi baaris ugu samayn lahayd Tiiraanyo Bixinta iyo Xal u Helidda Dhibaatooyinkii Dhacay .

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

1 2 3 4 5 6 7 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 24 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38