Isbedel doon maaha ee waa Xildoon!!! Waa Axmed Ismaaciil Samatar oo hadana Reer Somaliland ku hor kufay!!!

Axmed Ismaaciil Samatar KulmiyeIsbedel doon maaha ee waa Xildoon!!! Waa Axmed Ismaaciil Samatar oo hadana Reer Somaliland ku hor kufay!!! 

 

Axmed Ismaaciil Samatar oo si lama filaan ah ugu biiray Xisbiga Kulmiye ee Somaliland, oo sida la ogyahay u afduuban koox yar, wuxuu isku tuuray halkii uu is yidhi allaylehe iyadaa ugu dhow inaad xil ka hesho, waanaba jirtaa oo sidaanu xogo ku hayno waxa loo magcaabayaa dhowaan wasiirka arimaha debeda ee maamulkaas, iyada oo uu Siilaanyo ku samayn doono dhowaan golihiisa wasiirada isku shaandhayn.

hadaba waxay iswaydiintu tahay mee wixii mabda’, hufnaan iyo isbedel ee uu dadka ugu sheekayn jiray?!!! laakiin se dee horeba waan u soo aragnay in aanu odaygu mabda’ lahayn, ee uu bal hadaladaa macmacaan isku dhex qarinaayo, uu se yahay xildoon Keli ah!!

waxa taa dheer ninkii dadka iska saraysiin jiray, maanta waxa xaalku la marayaa oo uu ku qancay wasiir maamul goboleed!!! Walee laba tolow adaa ceeb la goloslayn!!! Ciyaari ma dhowa!! waxaad Hargaysa kala tegi ceeb ka xun tii Muqdisho kaa raacday!!!

ninka keli ah ee soo dhowayay waa Faysal Cali Waraabe, oo dee isba sida la wada ogyahay beryahan u ololaya Xisbiga Kulmiye, bal se Xisbiga Wadani oo ah kan keli ah ee la odhan karo waa mucaarad, aad bay uga biyadiideen mabda’ la’aant odayga!!! iyo siduu hadba meel aan laga filayn, bal looga hanwaynaa isugu tuuraayo!!! Waxayna ka tacsiyadayeen intii taageeri jirtay.

Halkan ka daawo Axmed Ismaaciil oo ku biiray kulmiye!

 

Wabillaahi atowfiiq

Ciise Maxamuud Aadam

almutawaadic@yahoo.com