Abwaan Cabdullaahi Sangub oo Maanso ku guhaamay madaxda Soomaalida ee Qaranimada dalka hortaagan (Dhageyso).

Sangub1Abwaan Cabdullaahi Sangub oo Maanso ku guhaamay madaxda Soomaalida ee Qaranimada dalka hortaagan (Dhageyso).

Maansayahanada iyo hal abuurrada, oo ah maskaxda fanka Soomaaliyeed, ayaa waxaa ka sii dhammaanaya dulqaadkii ay u lahaayeen, xaaladda dalka ee jitameysa mudada ka badan 25-ka sano, iyagoo ka tiriyay maansooyin fara badan, oo isugu jira dhaliil iyo ammaanba.

 

Abwaan Cabdullaahi Sangub, oo ka mid ah kooxaha fanka Hobolada Waaberi, ayaa soo saaray gabay intaas oo dhan ka duwan, kaasi oo uu ku habaarayo ninkii Soomaali kala geeya, oo uu ula jeedo madaxda iyo siyaasiyiinta manta, ee iyagu hormuudka u ah inay kala geeyaan Ummadda Soomaaliyeed, soo celinta Qaranimadiina caqabada ku noqday.

 

Gabaygaan ayaa farriin culus u diraya madaxda maanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiinta iyo dhammaanba cid kasta oo dooneysa inay Soomaaliya kala geyso, isagoona ku tilmaamaya kooxahaan inay yihiin kuwo ku dambeynaya aayatiin xumo.