78% Shacabka Kenya oo diiday Qorshaha Uhuru iyo dowladiisu ka damacsan yihiin Qaxootiga Somalida..

amnesty-international-logo-178% Shacabka Kenya oo diiday Qorshaha Uhuru iyo dowladiisu ka  damacsan yihiin Qaxootiga Somalida..

78% Dadka Kenya ayaa soo dhaweeyay in Qaxootiga ay joogaan Dalka Kenya,sidoo kalena waxaa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan In Qaxootiga ay sii joogaan Kenya.

Ra’yi ururin  ay Dadka Kenya ku sameysay Hay’adda Amnesty Intentional ayaa lagu muujiyay in Dowladda Keyna iyo Shacabka ay ku kala aragti duwanyihiin arrimaha Qaxootiga ku nool Kenya.

Tiro badan oo ka mid ah Dadka aragtidooda la weydiiyay ayaa ku jawaabay in Bani’adamku uu xaq u leeyahay in uu ka cararo halka lagu dilayo,waajibna tahay in la nabad geliyo oo la siiyo meel Nabad ah oo uu ku noolaad.

Ra’yi ururintan waxaa sameysay Hay’ad fadhigeedu yahay Canada oo lagu magacaabo GlobeScan,taas oo hoostagta Amnesty ,waxaana ay ka sameysay 27 Dal oo ay Kenya ka mid tahay taas oo ay dadkeeda u codeeyeen in Qaxootiga ay joogi karaan Waddanka Kenya.

Kenya waxaa ay kaalinta 18aad kaga jirtaa Waddamada laga sameeyay aragti ururinta,waxaana ka mid ah 4 Waddan oo Afrikaan ah,waxaan aay kala yihiin,Ghana oo 84% ay Dadkeeda u codeeyeen qaabilaadda Qaxootiga, Nigeria oo ay  77% Dadkeeda u codeeyeen qaabilaadda Qaxootiga iyo Dalka  South Africa oo  69 % ay Dadkeeda u codeeyeen qaabilaadda Qaxootiga.

Waddamada Dunida oo dhan 10kii Dalba mid ka mid ah ayey Dadkiisa ogolaadeen in Qaxootiga ay joogi karaan Waddamadooda.

Ra’yi Ururintan waxaa ay ku soo aadday iyada oo ay Kenya Qorsheyneyso xiritaanka Xerada Qaxootiga ugu weyn Caalamka ee Dhadhaab.