RW Cumar oo ku baaqay in Gurmad loo fidiyo Shacabka uu saameeyey Fatahaadda Wabiga Shabelle ee Magaalada Beledweyne.

Omar-AbdiRW Cumar oo ku baaqay in Gurmad loo fidiyo Shacabka uu saameeyey Fatahaadda Wabiga Shabelle ee Magaalada Beledweyne.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinku ay ka soo gaareen fatahaadda ballaaran ee uu ka sameeyey Wabiga Shabelle ee magaalada Beledweyne iyo deegaanada ku dhow-dhow.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda F. Soomaaliya ay qaadi doonto tallaabooyin deg-deg ah oo gurmad loogu fidinayo shacabka ay dhibaatadu gaartay. Wuxuna dhinaca kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee wax haysata iyo beesha Caalamka in gurmad ay u fidiyaan shacabka tabaaleysan.

“Xukuumadda Soomaaliya waxay u fidin doontaa gar-gaar shacabkii dhibaatadu gaartay, xaalad adag ayaa laga soo sheegayaa deegaanka dadka qaar kood waxa ay ka carareen guryahooda, iyaga oo aan xitaa sidan wax alaab ah kadib markii ay Biyuhu u saamixi waayeen in ay qaataan.Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in gar gaar deg deg ah lala soo gaaro dadka ku barokacay fatahaad oo hadda aan heysan wax hoy ah.”ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Barakaca ayaa gaaray heerkiisii ugu sareeyay, waxaana jira boqollaal qoysas ah oo wali ku dhax xayiran Fatahaadda Xad-dhaafka ah ee wabigu sameeyey .Xaafadaha Xaawo-Taako iyo Kooshin ayaa ugu sii darran marka loo eego magaalada inteeda kale halkaas oo bulshadii ku dhaqnayd isaga barakaceen intooda badan