Ganacsade Maxamed Jabuutaawi: Wadada Ceerigaabo iyo Laascaanood Ceelna uma qodna cidina uma maqna(Daawo Video).

Maxamed JabuutaawiGanacsade Maxamed Jabuutaawi:  Wadada Ceerigaabo iyo Laascaanood Ceelna uma qodna cidina uma maqna(Daawo Video).

khayr Allaah ha siiyee Ganacsade Maxamed Cabdi Caraale (Maxamed Jabuutaawi) wuxuu isu xilqaamay in uu dedaal iyo abaabul u galo samaynta wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Laascaanood, iyada oo uu isagu ugu horayn ugu deeqay hawshaa baaxad wayn lacag dhan hal Milyan oo Dollar, si uu ugu dhiiri geliyo ganacsatada dhigiisa ah, in ay iyana wax ugu deeqaan.

Mashruucanu waa mid aad u wayn oo u balaadhan oo xataa ku culus in ay dowladi fuliso, laakiin se wixii niyad iyo xamaasad loo hayo waa la fulin karaa. hada Mashruuca kale ee wadada Ceerigaabo iyo Burco waxa ku deeqday dowlada Shiinaha oo bixisay dhamaan mucidaadka iyo qalabka kale ee dhismah sida Daamurka iwm, xataa kharashka shaqaalaha, waxana dowlada Shiinaha ka soo dhamaysay Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam, in kasta oo aanu maamulka Somaliland marna xusin gabadha mashruucaa soo dhamaysay magaceeda/

tan kale maamulka Somaliland waa musuq maasuqay Mashruucaa oo intiisii badnaa way cuneen, dabadeedna shacabka iyo ganacsatada ayaa hada si joogta ah xoolo looga qaadaa!! bal se deegaanada SSC wasiirkoodu waa Cali Axmed Jaamac Jengeli, ilaa dowladii ugu horaysay ee kmg ka wasiir buu ahaa meel uu wax ka qabtayna lama arag.

sidaas darteed wadadaas Ceelna uma qodna cidina uma maqna ee ha loo gurmado.

 https://www.youtube.com/watch?v=SakmehGXLA8